Xarumo Xog Wasaarado

Intii lagu jirey dhamaadka Wejiga/marxaladda II, SWALIM waxay gudaha wasaaradaha Soomaaliland iyo Puntland ka samaysay ilaa lix "Xarumo xog" iyo kuwo la mid xarumahaas xogta waxy u qorshaysay in loo sameeyo Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya. sidoo kale SWALIM waxay wasaaradaha xiriirka ku jira siisay agab iyo qalab, oo ay ku jiraan qalab loo isticmaalo sahamin biyo dhulka-hoose (hydro-geological surveys) iyo qalabo wax lagu tijaabiyo oo lagu cabiro biyo iyo tayo ciid.

Gudaha Soomaaliland, waxaa jira xarumo xog oo ku yaal Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Kheyraadka Biyaha iyoDeegaanka Horumarinta Ree Miyiga /Ministry of Environment and Rural Development. Gudaha Puntland, Xarumo xog waxaa laga sameeyey Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Wasaaradda Deegaanka,Duurjoogra iyo Dal-xiiska  /Ministry of Environment, Wildlife and Tourism; iyo Ha'yadda Dawliga Puntland ee Biyaha iyo Kheyraadka Dabiiciga /Puntland State Agency for Water, Energy and Natural Resources (PSAWEN). Xarumaha xogta waxaa lagu qalabeeyey Kombiyuutarro, isgarsiin Internet, iyo alaabo kale. Hawlgallada xarumaha xogta waxay waafaqsan yihiin waxa wasaarad waliba ay gaar ahaan u xilsaaran tahay oo inta badan xog-keydyo SWALIM ah waxay horay loogu wareejiyay xarumaha xogaha. Qalab IT iyo waxyaabo loo isticmaalo hawl socodsiinta ayey SWALIM siisay xarumaha.

 SWALIM waxay taageertaa laba shaqaale  middiiba lixda wasaaradood si loo hubiyo in xarumaha xogtu ay socodsiiyaa oo maamulaan shaqaale leh xirfado iyo aqoon si ay ugu adeegaan wasaaradahooda, sidoo kale bulshada guud ahaan, si ay u siiyaan\o macluumaad khayraad biyo iyo dhul oo ay u baahan yihiin. Marka xafiisyada SWALIM laga sameeyo  gudaha Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya, qaabkaan mid la mid ah ayaa laga hirgelin doonaa goobaha hay'adaha ka jira gobolladaan. Shaqaalaha xarunta xogta waxaa la siin doonaa barnaamij tababar degdeg ah kaasoo raacaya: hab "Tababarid Tababarayaal" si, markii ay faa’idaan xirfadaha lagama maarmaanka ah, ay shaqaalaha kale ugu tababari karaan gudaha wasaaradda.

Somali