Horumarin awood wasaarad

SWALIM waxay rasmiyeysay iskaashiyo ay la yeelatay bishii Desembar 2005 lix wasaarado muhiim ah oo mas'uul ka ah biyo, dhulo iyo deegaan (saddex midkiiba  Soomaaliland iyo Puntland), hadana waxaa la asaasay Guddiyo Iskuduwid Wasaaradaha-udhexeeye ah  (Inter-Ministerial Coordination Committees (IMCC)) oo ka jira labada gobol si la isgu keeno wasaaradaha kala duwan oo ay hoos yimaada hay'ado isuku-xiriirsanaan midaysan.

IMCCs-yadii waxaa dib loogu magacaabay Guddiyo Iskuduwid Goboleed (Regional Coordination Committees (RCCs) ). Ka xubin ahaanshaha RCC waxaa ku jira saddex xubnood (Wasiir, Agaasime Guud iyo qof xiriiriye farsameed ah) oo mid waliba wakiil u yahay wasaarad, La-taliyaha Farsameedka Sare ee SWALIM iyo Maareeyaha Xafiiska Iskudubaridka SWALIM. RCCs-yadu waxay kaalmeeyaan hagidda shaqada SWALIM oo waxay door muhiim ah ka cayaaraan marka la qeexayo barnaamijka horumarinta awoodda. Mid kasta oo ka mid ah wajiyadiidhawaa ee mashruuca SWALIM wuxuu ku bilowday ra’yi-gashi ka yimid RCCs, kaasoo inta badan qeexa natiijada wajiga.

Wasaaradaha xiriirka ku jira ee Soomaaliland waa:

Wasaaradaha xiriirka ku jira ee Puntland waa:

Gudaha Muqdisha, SWALIM waxay haatan ka rasmiyeynaysaa qaab-dhise la mid ah kuwaas kore oo ah wasaarado masuul ka ah maareyn kheyraad biyo iyo dhul. Wasaaradaha ay SWALIM la shaqayn doonto waxay yihiin:

  • Wasaaradda Beeraha

  • Wasaaradda Korontada iyo Biyaha

Somali