Haboonaanshiyaha dhulka

Qiimeyn haboonaanshiyo dhul waa hannaan lagu qiyaasayo waxtarka dhulka marka loo eego isticmaallo noocyo kala duwan. SWALIM waxay fulisay daraasado faahfaahsan waxayna soosaartay darsin khariidado ah haboonaanshiyo ee isticmaallo dhul kala duwan gudaha laba deegaan oo tijaabo ahaan oo la daneynayo (deegaanka Gebiley iyo Borama gudaha Soomaaliland iyo deegaannada webiyada Juba iyo Shabeelle gudaha Koonfurta). Khariidado haboonaanshiyo dhul iyo warbixinno ayaa si isdabajoog ah loo sameeyey.

               Land suitability map cattle grazing -  Juba & Shabelle riverine areas            Land suitability map for irrigated agriculture - Sugarcane Juba & Shabelle riverine                                                                                                                                                                                                                                     areas  

Haboonaanshiyo dhul meelo ay SWALIM darastay ayaa lagu soo bandhigay gudaha qaab shax-xisaabeed, khariidado iyo xogwarran noocyo gaar ah isticmaal dhul oo si gaargaar ah loo qeexay dalagyo, daaqsin xoolaad ama noocayo keymo. Warbixinnada - Land Suitability Assessment of a Selected Study Area in Somaliland: L-06 and Land Suitability Assessment of the Juba and Shabelle Riverine Areas in Southern Somalia: L-09, waxaa laga helikaraa gudaha maaqsiinnada keydinta dokumentiga dijitaalka ah (digital documents repository) ama qeybta daabacaadaha dhexdooda. Sidoo kale warbinnadu waxay bixinayaa tafaasiil ah Habka Qiimeyn Dhul oo Otomaatik ah (Somalia Automated Land Evaluation System (SOMALES)), kaasoo ah kataabagelin Soomaliya qaab-dhismeedka Qiimeynta Dhulka ee FAO iyo softweerka ALES (the FAO Framework for Land Evaluation and ALES software).

Somali